Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo bah-dilkii ugu weynaa ku sameysay reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo boolis ah, oo ka socda maamul-gobaleedyada dalka ka jira ayaa shalay lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo laga qaaday ciidamadii dowladda Soomaaliya ee horay ugu sugnaa Isgoysyada muhiimka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka howl gelayeen ciidankaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay ku jiraan saraakiil amni ayaa xaqiijiyay in ciidankaan oo muda 3-bil ah tababar uu uga socday dalka Jabuuti soona dhamaystay haatan in lagu soo celiyay magalada Muqdisho si ay uga howl bilaabaan.

Tallaabada amniga Muqdisho loogu wareejiyo ciidamo ka yimid gobollo kale ayaa ah bahdilkii ugu dambeeyey ee dowladda ay ku sameyneyso shacabka Muqdisho, ee horey loo duudsiiyey xuquuq kasta oo ay lahaayeen.

Waa cayaar lagu sameynayo garaadka reer Muqdisho in loo sheego in amni ay sugi kari waayeen dadkii magaalada ku dhashay ay sugayaa ciidamo xitaa aan aqoon sida la isaga gudbo laba isgoys oo is xiga oo magaalada ka mid ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yariisow oo kasoo jeeda gobolka ayaa ah nin magac ahaan un u magacaaban, oo aan wax talo iyo awood ah ku lahayn gobolka, kana hadli karin bahdilkan.

Keenista ciidamo aan magaalada u dhalan waxay sidoo kale tahay tallaabo ay dowladda kusii xaqiijineyso qorshihii ahaa in magaalada ay tahay magaalo aysan dad gaar ah deegaan u lahayn oo ay tahay magaalo Soomaalida oo dhan maamulkeeda uu ka wada dhaxeeyo.

Waxay sidoo kale tani fursad cusub siineysaa Al-Shabaab, oo ay u fududaan doonto inay weeraro ka badan kuwii hore ka gaystaan magaalada, maaaama ciidan aan aqoon u lahayn ay amnigeeda sugayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this