Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo si carro leh uga hadashay safarkii uu Farmaajo ku tagey Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay safaaradda Djibouti ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay sida ay Soomaaliya u codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea iyo taageerada indho la’aanta ah ee Muqdisho ay siiyay Asmara, waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in sidaasi uu Farmaajo sameeyay xilli wiilashooda iyo gabdhahooda ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya

Qoraalka waxaa uu u qornaa sida:

Djibouti ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay codsigii madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabateyntii loo saarey 2009kii kaalinteeda qaska ay ka waddo dalalka dariska ah gaar ahaan taageeradeeda Al-shabaab iyo kooxo argigixiso ah oo Djibouti qas ka wada.

Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea  oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay.

Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea  iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed.

Djibouti waxaa dagaalka uga dhintay rag iyo haween geesiyaal ahaa, welina murankii waa jiraa, sidaasi darteed waxaa sidhab ah u qaadatay taageerada indho la’aanta ah ee walaalaheen Soomaaliya ay siiyeen Eritrea iyaga oo u dooday in Eritrea xor looga dhigo dhibka ay ku heysto gobolka. Kama ogolaaneyno wada hadalkaas khatarta ah xilli wiilasheenna iyo gabdhaheenna ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida.

jabuuti.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this