Deeq A. Posted August 1, 2018 Guud ayaan dalka Denmark ayaa waxa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay sharci lagu mamnuucayo in bulshada dhexdeeda lagu xirto Indho-shareerka. Baarlamaanka dalka Denmark ayaa tallaabadan meel mariyay bishii May ee sanadkan,waxaase la qorsheynayaa in galinka dambe ee maanta uu dhaco Mudaharaad lagu diidan yahay tallaabadan oo ay ka qayb qaadanayaan dumarka Muslimiinta ah oo ka dhego-adaygaya in ay sharcigaan cusub u hoggaansaman. Booliska dalka Denmarka ayaa wixii hadda ka dambeeya awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka saaraan goobaha bulshadu ay ku kulanto,sida uu dhigayo shircigan,Sidoo kalena Saraakiisha ayaa xaq u leh in ay dul dhigaan ganaax $160 doollar ah marka koowaad ee dambiga la galo. Laakiin haddii uu qof afar jeer sharcigaas jabiyo waxaa lagu ganaaxi karaa $1500 Dollar oo doollarka Maraykanka ah. PUNTLAND POST The post Dalka Denmark oo laga mamnuucay indha-shareerka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites