Abtigiis Posted August 26, 2010 Bismillaahi Noo Diran WT. Bashir Sh. Omar Goth August 25, 2009 Maansadan waxa waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985. Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay doodahooda, haddana igama ay bi'in harraadkii aan u qabay raadinta iyo ka gun gaadhidda runta iyo arrimaha xaqiiqada ah. Markaas ka dib ayaa waxa aan bilaabay in aan u jeesto akhrinta cilmi suufiyada Islaamka, gaar ahaan Al Ghazali iyo kitaabkiisa yar ee la yidhaahdo "Al Munqid Min Al Dalaal" iyo labadii kitaab ee ay iskugu jawaabeen isaga iyo Ibn Rushd oo kala ahaa, Tahaafut Al Falaasifa oo uu qoray Al Ghazali iyo Tahatful Attahafut oo uu qoray Ibn Rushd. Waxa kale oo aan iyana aad uga bogtay aragtidii suufiyada ee Ibn Carabi iyo Al Hallaj, Junayd, Abdulqadir Al Jilani, Ibn Rumi iyo culimo kale oo badan. Taana waxa iiga sii horreeyey aniga oo intaan Soomaaliya joogay si xoogle u muquurtay falsafadii shuuciyadda oo saamayn badan ku yeelatay fikirkayga intii ay weli maskaxdaydu curdinka ahayd. Aniga oo haddaba doodahaa badan la daalaa dhacaya, una ciirsan dhinaca falaasifada Islaamka, gaar ahaan cilmi suufiga, ayaan habeen habeenada ka mid ah sheekaysannay rag Soomaaliyeed oo qaarkood yihiin diktoorro shahaadado ku qaatay maaddooyinka ay barteen, hase yeeshee aan wax badan ka aqoon falsafadaha aan anigu mashquulka ku ahaa. Waxaan intayadiiba isku raacnay oo aan iskugu jiibinnay wax markii dambe caqligayga iyo dhimirkayga u cuntami waayey. Nimankaa ay dooddo na dhex martay waxa ay ka soo jeedeen qoysas waranleyaal ah, oo markaa la odhan karo xadhko adag diintu kumay hayn. Aniguse wax aan ka soo jeeday aabbo iyo hooyo ahlu diin ah oo mar kasta oo aan darjiidhis ku dhawaadaba ay i seetaynaysay xusuustii tafsiirkii aabbahay allaylka iyo galabtii culimada u akhriyi jiray iyo hooyaday oo Quraanka hablaha iyo haweenka u dhigi jirtay anigana ahayd macallimaddaydii kowaad. Dooddaas ka dib waxa aan dareemay aniga oo ka sii siibanaya dhaqankii diineed ee aan ku soo koray ee quruxda iyo degnaanshaha badnaa. Waxaan arkay in aan wixii aan akhriyey ka kasbaday uugaan iyo xasilooni darro keliya. Markaas bay ilmo igu soo joogsatay aniga oo sariirta jiifa, waxaana igu soo booday cutubka ugu horreeya maansada oo ah: Deyran, Deyran, Deyran Bismillaahi noo diran Balaayooyin duuliyo Wixii duumo cudur jira Daa'imow na baal mari... Dabadeed intaan qalin iyo warqad haabtay ayaan dhammaystiray. Markaan akhriyey ayey naxariisi i gashay oo sidii qof xanuunsanaya oo taxliil lagu akhriyey ayuu ii noqday deyr malayko oo aan si fiican u seexday. Deyran, deyran, deyran Bismillaahi noo diran Balaayooyin duuliyo Wixii duumo cudur jira Daa’imow na baal mari *** In kastoon dambiiliyo Anuu daayac weyn ahay Ka hallaabay dooddii Dacwaddii Ilaahiyo Dawgaan ku soo koray Diidi mayo abidkay *** Cilmi dunida yaalliyo Kun digtoora oon helo Ima doorin karayaan *** Daliilkii Quraankiyo Xadiis laga dillaacshiyo Run baan dabada haystaa *** Awliyada dawaaftiyo Kuwa Eebbe soo diray Dawgay mareen baan Sii daba tumaayaa *** Dhaqanka iyo diintuna Sida diirka oogada Midabkayga dugulkeen La ii doorin karahayn Waa xidid dubaaqiyo Dabacaygu yeeshoon Sina iiga duugmayn *** Tacliintaan durduurteen Dugsiyada ka soo helay Noqon mayso dawlaab Haddaan diintu garab ool *** N.a.c.a.s baa dulbaaxshoo Sheekaduu diktoor gaal Buugagga ugu daabacay Kaga booda dayrkoo Ku deldela naftiisee Anuu duur kastoon xulo Ma darjiidho abidkay *** Diintuu lahaa iyo Dhaqankiisi dahabki Ninkii doojin waayee Digriigiisa fuulee Madaxiisa door biday Waa weel dalooshamay *** Waa sida digaaggii Kibir dacasha taagee Daaciisa ciiddiyo Inay dunidu kelidii La dumayso moodee Diiday lugaha meel qudha Darandoorri mooyee Inuu meel is daba dhigo *** Waa malab dameer sido Oon dahabka guud yaal Culayskiisa daashaday Inuu daadsho mooyee Nafci kale ka doonayn *** Waa baal dalwanayoo Dabayluhu eryaayaan Cilmiguu ku daaluu Daranyada u soo maray Hoos uguma daadegin *** Ninka soddonka deeqdiyo Daalacday Quraankee Ku dabbaqay aqoontee Sharaxiisa daba galay Cilmi dunida yaalloo Ka dahaadhan maan garan *** Hadday tahay dabaylaha Dayaxaa la fuuliyo Dusha sare wixii jira *** Badda dawanka weynliyo Buuraha dabbaaliyo Ciiddaan dul joogneen Ka dalgayno maadhkiyo Hadday tahay wax duur gala Iyo duunyo xoolaad *** Dadka uu Ilaahay Garaadka ugu deeqee Uunka daadaheeyiyo Shimbiraha dawaafiyo Xasharaadka duuliyo Hadday tahay duduma iyo Midka gala dalool geed *** Dhirta damalka weynliyo Dooggiyo xareeddiyo Hadday tahay durdurradaa Daymaha waraabshee Buuraha ka daadega *** Dadka kala wadkiisiyo Hadday nolol distoorliyo Tahay dawlad iyo xeer *** Doc kastoo la eegaba Daliilkii Quraankiyo Xaqu wuu ku soo degay *** Runta dunida taallee Daa’im noogu baaqiyo Digniinaha ilaahay Ninkii diiday yeelkii *** Weli diinta qayboo Samuhu uu ka daalacay Oo doobir khayrliyo Darajooyin weynloo Markuu samada daymada Dusha sare jalleecuu Wejigiisu soo dego Isagoon dabuub celin Cirku soo darrooroo Daruuruhu hillaacaan Ninka dood u yeeshee Daniyaaya xeeshii *** Anuu dhaqanka diintiyo Dermadaan ku soo koray Doorin maayo abdikay Ducadii qubuurtiyo Dikrigii arddaayadu Dookhayga laabtuu Doobaar ku yeeshoo Waa daabac jiidhkiyo Ku dahaadhan beerkoon Dugsadaa abiidkay Oon la iga dumin Karin. Bashir Goth Email: bsogoth@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 26, 2010 Rasuulkii, s.c.w, ayaa laga hayaa ilaahow labada Cumar mid noo soo islaami. Ilaahow labada R (Rhazes iyo Raamsade) mid noo islaami, niman sahlan ma ahe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted August 26, 2010 ^^ Rhazes confesses to be a Muslim, saaxib. Raamsade never did. No matter the faults of the former, he should never be compared to the latter. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 26, 2010 Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Ilaahow labada R (Rhazes iyo Raamsade) mid noo islaami, niman sahlan ma ahe. lol@labada R Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 26, 2010 @Ilaahow labada R mid noo islaami Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted August 26, 2010 (QUOTE) Awliyada dawaaftiyo Kuwa Eebbe soo diray Dawgay mareen baan Sii daba tumaayaa *** Anuu dhaqanka diintiyo Dermadaan ku soo koray Doorin maayo abdikay Ducadii qubuurtiyo Dikrigii arddaayadu Dookhayga laabtuu Doobaar ku yeeshoo Waa daabac jiidhkiyo Ku dahaadhan beerkoon Dugsadaa abiidkay Oon la iga dumin Karin. (QUOTE) :eek: :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Neumann Posted August 27, 2010 'Tahafut al-Falasifa' was the worst book in the history of philosophy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 28, 2010 Waar ninkan Bashir ilayn waa nin dawakhay oo cirka u kaaji gaadhay ,,,,, Ma la inaga hubaa inaanuu berri ina odhan diintaa iyaduna i sii waashay ? lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismalura Posted August 28, 2010 The tix is impressive... *** "Anuu dhaqanka diintiyo Dermadaan ku soo koray Doorin maayo abdikay Ducadii qubuurtiyo Dikrigii arddaayadu Dookhayga laabtuu Doobaar ku yeeshoo Waa daabac jiidhkiyo Ku dahaadhan beerkoon Dugsadaa abiidkay Oon la iga dumin Karin." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 28, 2010 ^Is Bashir saying, he is merely following Islam cuz his father, mother were good Muslims? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Neumann Posted August 28, 2010 Originally posted by Som@li: ^Is Bashir saying, he is merely following Islam cuz his father, mother were good Muslims? More or less. But isn't that what most people do, anyway? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Prometheus Posted August 28, 2010 Mawkish. Insipid. And then there's the all-too-familiar reference to Sartre and Nietzsche, some such reference is invariably the stock-in-trade of all philosophasters with pretensions to philosophical erudition. (Aside: Sartre has always been the butt of a joke in the world of analytical philosophy, scarcely the paragon of clear thinking. Bertrand Russell's sardonic remark about existentiaist writing is fitting.) Has the author read (si xoogle weliba) the metaphysical moonshine of Sartre, Being and Nothingness, or the hogwash of Heideggar, Being and Time. If such was the extent of my exposure to science or philosophy, I think I too would find much solace in the silly rituals and jarring incantations of Sufism. Neither interesting nor moving is the author's reminiscence about his childhood. However, one cannot help but feel a tad bit ruthful about the human condition; a condition fraught with morbid fears and hopes, wishes and anxieties, frailties and uncertainties. Those of us who are not tough-minded need the crutches of creed to hold us up. It matters very little what are the content of such creeds. The Director of the Human Genome Project, Francis Collins, is an illuminating instance of a scientist succumbing to the wretched human condition. Relating the story of his newly restored faith in the trinity, he writes Nobody gets argued all the way into becoming a believer on the sheer basis of logic and reason. That requires a leap of faith. And that leap of faith seemed very scary to me. After I had struggled with this for a couple of years, I was hiking in the Cascade Mountains on a beautiful fall afternoon. I turned the corner and saw in front of me this frozen waterfall, a couple of hundred feet high. Actually, a waterfall that had three parts to it -- also the symbolic three in one. At that moment, I felt my resistance leave me. And it was a great sense of relief. The next morning, in the dewy grass in the shadow of the Cascades, I fell on my knees and accepted this truth -- that God is God, that Christ is his son and that I am giving my life to that belief. Really? A water-fall with three parts is a divine sign of the trinity? Bashir Goth might not possess the rich scientific education of Francis Collins but he certainly shares the pyschology. In the Varieties of Religious Experience, the famed pyschologist of religion, William James, examined many disparate and eccentric religious experiences which left an indelible mark on the minds of those who had experienced it. The symbols proved to be almost insignificant. Vishnu had, he discovered, the same power to transform the lives of believers as Jesus, Allah, or Buddha. What else can explain the faith of Dr. Collins and Bashir Goth? Quote Share this post Link to post Share on other sites