Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Safarka Farmaajo ee Afgooye oo la ogaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada.

Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 11 kale waa rag.

Sargaalka la hadlay  warbaahinta maxaliga ah oo diiday in aan magaciisa la deegsado ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye.

Howl galadan ayaa ujeedkooda yahay xaqiijinta amniga Afgooye, ka hor safarka Madaxweynaha ku tagayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maanta safar dhulka ah ku tagi doono Afgooye, halkaasoo dhowr cisho uu joogi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa degmada Afgooye u joogi doona howlaha isku dubaridka iyo abaabulka ciidamada, sidii deegaanada Al-Shabaab loogu qaadi lahaa guluf dagaal, inkastoo Afgooye qudheeda muddooyinkii u dambeeyay marti gelineysay weeraro Al-Shababa ku soo qaadayeen.

Xaalada degmada Afgooye ayaa ah mid caadi ah, iyadoo dadka ay hadal hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ay gashay magaalada iyo diyaar garowga loogu jiro soo dhoweynta Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this