Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Waare oo afka qeyla-dhaan furtay (Maxaa soo kordhay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Ware oo la hadlaayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn la’ yahay Al-Shabaab.

Hoggaamiye Waare ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqa u diidan yihiin maamulka iyo ciidamada yar ee ka hoos shaqeeya.

Waxa uu Waare sheegay in deeganada ay maamulaan ay ka jirto dhibaato ka dhalatay Wadooyinka xiran iyo weerarada Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dhaqdhaqaaq ciidan daruufo jira aawgood.

Waare, waxa uu sheegay in culaysyada jiraa aanay ku koobnayn Hirshabeelle balse ay ka wada jiraan wadanka, waxa uuna carab ***** inuu aaminsan yahay in dhibka ugu badan uu yahay mid heysta maamulkiisa.

“Waxaanu ku dhex jirnaa dhibaato kala ceyn ah tan ugu daran waxa ay naga heysataa dhanka Al-Shabaab oo xitaa dhaqdhaqaaqa noo diiday”

Waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin jidadka mudada dheer u go,doonsan Al-Shabaab iyo weerada dhaba galka ah ee lagu dilo Mas’uuliyiinta maamulkaas Sarakiisha iyo Askarta.

Docda kale, Waare ayaa cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howl geli doonaan si wax looga bedelo Amanka deeganada maamulka Hirshabelle.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this