Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo todobaadkan safar ka ah MUQDISHO & Qorshaha bixitaankiisa oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu todobaadkan safar ka yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in todobaadkani uu booqasho laba cisho ah ku tagi doono magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,isagoona todobaadka soo socda gaari doono Khartuum.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagi doono magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan ayaa waxaa laga soo xigtay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa goorta uu gaaro magaalada Khartoum la kulmi doona dhigiisa sudan oo ay kawada hadli doonaan isbedelada ka socda Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u kala dabqaadi doona madaxweynayaasha Sudan iyo Eriterea oo mudooyinkaan uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed sababay in labada dal ay kala xirtaan xuduudaha.

Dhinaca kale, socdaalka Farmaajo uu ku tagi doono dalka Sudan ayaa kusoo beegmi doona xili uu kasoo laabtay booqasho Seddex cisho ah oo uu ku gaaray magaalada Asmara ee dalka Eriterea.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this