Deeq A. Posted July 31, 2018 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa socdaalka ku wehliyay, qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya,Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho,Maamulka Gobolka Karkaar kan degmada Qardho, Duubabka dhaqanka iyo Dad weyne aad u tiro badan, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan,calanka Puntland iyo kan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa markii ay halkaas gaareen ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya. Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. “Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaaray Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawaynta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada. PUNTLAND POST The post Warbixin:- Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ee Qardho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites