Sign in to follow this  
Deeq A.

“Go’aanka Farmaajo waxa uu magaalada Muqdisho u horseedi doonaa hal arrin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa sheegay in isbedelka lagu sameeyay Hay’adaha amniga dowlada Somalia ay waxbadan ka bedeli doonto amniga dalka.

Waxa uu Wasiir Ducaale, sheegay inay muhiim tahay in dib u sixid lagu sameeyo hanaanka shaqo ee Hay’adaha waxa uuna carab ***** in ciidamada Xasilnta si toosa loo hoos geeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ku khasban tahay inay hagaajiso hanaan waliba oo la xiriira dhanka amniga waxa uuna aad usoo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan isbedelka.

“Ciidamada NISA qeybta xasilinta waxa ay si toosa uga amarqaadan doonaan taliska Booliska si amniga Muqdisho lagula xisaabtamo Booliska”

“Nabadsugida dharcada ayaa ku filan wixii macluumaad ah ee ku saabsan Gobolka shaqada sidaa ayay ku socon doontaa waa inaanu la imaanaa isbedel dhab ah”

Waxa uu carab ***** in Nabad Suggida lagu soo koobay kaliya qaybta Sirdoonka ee dharcadka ah kuwaasi oo la kordhin doono cadadkooda.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in isbedel waliba oo dhaca uusan yeelan Karin saameyn waa haddii aan la helin wada shaqeynta Hay’adaha amaanka iyo shacabka.

Ducaale ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan amniga magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid muhiim ah.

Arrintaani ayaa imaaneysa kadib markii Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Saadaq Cumar Xasan laga dhigay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir ciidankii Nabad Suggidana, halka Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin laga dhigay Taliyaha qaybta taraafikada Gobolka Banaadir.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this