Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la su’aalay inuu Garoowe ku yahay marti iyo jawaab cajiib ah + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ba ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyayay BBC-da waxaa uu uga hadlay dib u dhiska ciidammada, xilliga ciidammada Amisom ay ka baxayaan dalka iyo xiriirka kala dhexeeya maamul goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu xafiiska la wareegay waxa uu ballan-qaaday in muddo 2 sano ah ay kaga adkaan doonaan Al Shabaab, balse waxaa weli socda weerarrada uu ururkaasi ka fuliyo gudaha caasimadda Muqdisho.

BBC-da ayaa wareysigaan ku waydiisay Kheyre inuu marti ku yahay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Ra’isulwasaaraha oo ka xanaaqay Su’aasha la waydiiyey ayaa bixiyey jawaab ah inuusan marti ku aheyn  Garoowe balse ay tahay Magaalo ka tirsan dalka Soomaliya.

Kheyre ayaa dhawr jeer lagu celceliyey su’aal ah inuu xiriir aan fiicneyn dowladda kala dhaxeeyo Maamul Goboleedyada, waxaana muuqatay inuu su’aashaas dhawr jeer ka leex leexday.

Haddaba hallkaan hoose ka daawo Wareysiga uu Kheyre bixiyey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this