Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amaanka oo dib u dhigay dhismista ciidamada AMISOM iyo UK oo ka jawaabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Dood dheer oo ay arintan ka yeesheen kaddib Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in arintan ku saabsan dhimista ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kaddib qoraal dheer ay soo saaareen.

Waxaa uu qorshuhu yahay in wixii ka danbeeya 31-da May 2019-ka dib loo bilaabi doono dhimista ciidamada AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan gaba gabada sanadka 2020-ka, kaddibna ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka.

Laakiin waxaa wali muuqanaya in ay jiro baahi loo qabo in ciidamada AMISOM ku sii sugnaadaan gudaha dalka iyaga oo difaacaya dowladda xoogagga hubeysan gaar ahaan Al-shabaab.

Dhanka kale  Danjiraha UK  u joogta QM, Ambassador Karen Peerce ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ku gaareen Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM iyo in dib loo dhigo in Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan gudaha Somalia.

Ambassador Karen Peerce oo dalkeeda ku lug lahaa Qaraarka Golaha Ammanka waxay xustay inuu Go’aankaasi oggolaanayo in dib loo dhigo Xilliga Kala-guurka ee Hawlgalka AMISOM si waqti munaasab ah loo siiyo inta ay Ciiddanka Somalia ka awoodi karaan inay la wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxay intaasi ku dartay in Dib-u-dhigistaasi ay Ciiddanka AMISOM u oggolaanayso inay ugu diyaar garoobaan Xilliga  saxda ah oo ay kaga bixi doonaan Somalia, waxayna rajo xooggaan ka muujisay inay AMISOM sii wadi doonaan Hawlgalka lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this