Deeq A. Posted July 31, 2018 Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta lagu wadaa in uu safar cirka ah ku tego degaanka Garacad ee xeebta gobolka Mudug,halkaasoo ay ka socoto diyaarinta munaasabad la sheegay in deked cusub looga dhagax-dhigayo degaankaasi. Socdaalka madaxweyne Gaas ee Garacad ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in uu dhagax-dhigayo dekedda cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo,taasoo horay loo qorsheeyay in ra’iisul wasaare Kheyre dhagax-dhigo,haye yeeshee uu ka baaqsaday. Wararka waxay intaas ku darayaan,in sababta ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre uga baaqsaday dhagax-dhiga dekedda Garacad ay la xiriirto,cadaadis ka dhashay cabasho ka timid maamulka Galmudug oo sheegay in deked kale oo gobolka Mudug laga dhagax-dhigaa ay caqabad ku noqonayso dhismaha dekedda Hobyo oo uu horay u dhagax-dhigay madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Gaas iyo wefdiga ku wehelinaya safarka Garacad ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan,halkaas oo ay goor dhow ka duulayan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo saaka u safraya degaanka Garacad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites