Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Gobolka Sh/Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa ku Wajahan Goordhow Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoos ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Amaanka Degmada Afgooye ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi tagay ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya oo sugaya Amaanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo gaaraya Magaalada Afgooye si uu kulamo u la qaato Madaxweyne Farmaajo.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana Al-Shabaab ay mararka qaar ay la wareegaan Qeeyb kamid ah gacan ku heeynta Degmada Afgooye oo 30-KMG u jirta Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Gobolka Sh/Hoose. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this