Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha socdaalka FARMAAJO ee deg. Afgooye oo la ogaaday & Ciidamo wata eeyo badan oo halkaa gaaray (Sababta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu maanta kusii jeedo  degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaan ayaa soo sheegaya in saaka aroortii ay kusoo tooseen Ciidamo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid aad u hubeysan oo la dhigay dhammaan xaafadaha iyo waddooyinka waaweyn ee Degmada.

Ciidamada ugu badan ayaa waxaa waddooyinka lasii dhigay xalay saqdii dhexe si ay ugu gogol xaaraan Madaxweynaha.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo wata eeyo taba baran ay howgalo Saakay ka wada Xaafadaha magaalada Afgooye gaar ahaan dhanka galbeed ee magaalada.

Qorshaha ayaa ah in Madaxweynaha uu la kulmo maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khilaaf maamulka dhexdiisa ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka soo laabtay Booqasho seddax Cisho qaadatay oo u tagay dalka Eretariya.

Bishii May ee Sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynuhu uu safar dhulka ah ku tagay degmada Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this