Sign in to follow this  
Deeq A.

KHEYRE oo shaaciyay halka uu iminka maraayo qorshaha AMISOM looga saarayo Somalia (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan lagu wado in Somalia laga saaro ciidamada AMISOM ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, ayaa sheegay inay muhiim tahay in amniga Somalia si rasmi ah loogu wareejiyo dowlada, waxa uuna tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Somalia.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waxa uu sheegay in Xukuumada Somalia ay dadaal ugu jirto sida Somalia looga saari lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada Qaranka oo iminkaba uu sheegay inay yihiin kuwo diyaarsan.

Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay diyaarinayaan qorshayaal dhameystiran oo AMISOM loogala wareegayo amniga dalka, isaga oo arrin muhiima ku sheegay in ciidamada Qaranka ay hantaan mas’uuliyada amniga.

Waxa uu xusay Ra’isul wasaaraha iney diyaariyeen goobaha ugu horeeya oo AMISOM ay ka baxayaan iyo ciidankii la wareegi lahaa.

Sidoo kale, qorshaha la jideeyay ayaa waxa uu yahay in ciidanka AMISOM ay Soomaaliya ka baxaan marka la gaaro sanadka 2019, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya ay hada wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo AMISOM kala wareega guud ahaan amniga dalka.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay intooda badan hada ku sugan yihiin meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this