Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada, mucaaradka iyo duqaymaha ay Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

“Dalka waxbaan ku leenahay, mana oggolaanayno in aan aayihiisa u sii deyno caada-qaatayaal bilaa xakame ah.” Cabdi Faarax, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dhibaato baahsan oo ay dowladda Kenya u geysanayso shacabka, xoolaha, hantida iyo geyiga Soomaaliyeed  ayaa beryahan dambe laga soo tebinayaa gobollada Jubbaland oo dhan, gaar ahaan gobolka Gedo. Duqeymo sharci darro ah oo shacab lagu laayay, weerar toos ah oo lagu burburiyay qalabkii isgaarsiinta shirkadda Hormuud isla markaasna lagu dilay dad goobta ka shaqaynayay, gabdho Soomaaliyeed oo dhibaato loo geystay, dad xoolahoodii la dhaafiyay, iyo tacaddiyo kale ayaa ka soo yeeraya gobolka Gedo.

Waxaa intaas dheer, Kenya waxay derbi sharci darro ah ka dhisaysaa dhul Soomaaliyeed iyada oo gawaarida gaashaaman u adeegsanaysa shacab aan hub sidan. Dhanka kale, waxaa socota dacwo ay Kenya ku doonayso in ay inooga dhaxal wareejiso qayb ka mid ah xad badeedka Soomaaliya.

Dhibaatooyinkaas waxaa si isku mid ah uga aammusay dowladda Soomaaliya oo mas’uul ka ah ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo ka aammusay tacaddiyadaas mucaaradka oo looga bartay in ay qayliyaan markii dowladdu gaabiso si ay shacabka iyo dowladda isaga hor keenaan. Haddaba, waa maxay sababta ay dowladda iyo mucaaradku uga wada aammuseen tacaddiga ay dowladda Kenya ku hayso shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan?

Sababaha mideeyay dowladda iyo mucaardka waa:

  1. Madaxda dowladda iyo mucaaradka labaduba waxay hanti iyo hoy ku leeyihiin dalka Kenya. Sida la ogsoon yahay, mucaaradka waxaa rug u ah Kenya. Sidoo kale, madaxda dowladda ugu sarreysa ayaa Kenya u daabbula lacagtii lagu geli lahaa doorashada 2020. Danta dadka waxaa labada dhinacba kala weyn danta gaarka ah.
  2. Halka mucaaradku ay Kenya u saxiixeen badda Soomaaliya, dowladdu waxay Kenya u saxiixday sharafkii ummadda Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, madaxda dowladda Soomaaliya waxay dhowaan ballan qaadeen in ay Kenya ka taageeri doonaan in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay sannadka 2020. Maxaa arrintaas ku jaban? Kenya waxay tartan kula jirtaa dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Maxaa keenay in Kenya loo ballan qaado taageero iyada oo Jabuuti joogto? Arrintaas waxaa sababay in madaxda dowladdu is leeyihiin kasbada taageerada Kenya oo mucaaradka uga dhowaada.

Dhaqanka Kenya ee ah in la baabi’iyo dadka iyo xoolaha, gaar ahaan geela oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, in la burburiyo hantida gaarka loo leeyahay sida qalabka is gaarsiinta, in la bah dilo haweenka Soomaaliyeed ee sharafta leh lana laayo shacabka waa dhaqan gumeysi oo soo jireen ah. Waa dhaqan laga dhaxlay gumeystihii Ingiriiska laguna naafeeyay dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Waqooyi Bari.

Maxaa talo ah haddii Xukuumadda hadda joogta oo uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo tii ka horreysay ee Cumar Cabdirashiid ay labaduba heshiis ku yihiin in aan Kenya laga hor imaan?

  1. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay muujiyaan dareenkooda ku aaddan tacaddiga dowladaha shisheeye u geystaan dadka iyo hantida Soomaaliyeed. Qofkii qoraal ku muujin kara, kii hay’adaha xuquuq insaanka gaarsiin kara, kii telefoon ku hadli kara, kii saxaafadda adeegsan kara, kii madaxda fursad u hela oo weydiin kara, kii bannaanbax samayn kara, iyo kii si kale u muujin kara sida aan uga xunnahay dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeedba waa waajib in codkeenna la maqlo.
  2. Xildhibaannada Soomaaliyeed waa in ay dowladda kula xisaabtamaan dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed. Inta golaha shacabku xiran yahay, waa in ay xildhibaannadu mid mid ula xiriiraan madaxda ay khusayso arrintaan kuna khasbaan in ay dhibaatadaas ka sal gaaraan. Markii la furo baarlamaanka, xildhibaannadu waa in ay madaxda dowladda su’aalo ka weydiiyaan arrimahan.
  3. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa saaran waajib gaar ah. Waa in madaxda dowladda, oo qaarkood qurbaha ka tagay, mar walba la xusuusiyo in la maxkamadayn karo markii ay dalalkay ka tageen ku soo noqdaan haddii ay dayacaan mas’uuliyaddii ay u dhaarteen ama ay si xun u adeegsadaan magaca ummadda. Inta ay xilka hayaan lafteeda, waa in ay ku talagalaan in lagu kicin doono bannaan baxyo laguna eedeyn doono dhibaatada shacabka la gaarsiinayo in ay raalli ka yihiin.

Haddii aynaan indhaha furin lana xisaabtamin dadka xilalka ku magacaaban, waxaynu soo baraarugi doonnaa xilli layna dhaxal wareejiyay oo shakhsiyaad dan leh ay tooda ka hor mariyeen teenna. Haddii aysan madaxda dowladdu dhegeysan talada shacabka iyo xildhibaannada Soomaaliyeed, waxay dhegeysan doontaa talada shisheeyaha iyo dad dano gaar ah dowladnimada ku fushanaya waxaana soo noqnoqon doona khaladaad masiiri ah sida baddeennii loogu saxiixay Kenya ama Qalbi-Dhagax loogu dhiibay cadowga.

Haddii aan lala xisaabtamin xukuumadda, waxaa dhacaysa in Khayre ku kaco gefaf taariikhi ah sidii Cumar Cabdirashiid, ka dibna Madaxweyne Farmaajo yiraahdo lama ogeyn sidii Sheekh Shariifba u yiri ma ogeyn badda la bixiyay.

W/Q: Maxamed Cali
somalirightsinc@gmail.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this