Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Cali Kheyre oo hadal ka farxiyey C/WELI Gaas ka jeediyey Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Faderalka ah ee Soomaaliya Xasan Cli Kheyre ayaa sheegay in Puntland aysan ka maarmi doonin Hoggaamiyaha hadda haya xilka ee C/weli Gaas.

Kheyre waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka dhismo qurxoon tahay dhammaan Gobolada kale ee ka jira dalka, waxa uuna carab ***** inay ku gaartay iskaashi iyo wada shaqeyn.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada iyo shacabka Puntland ay garab ka qaatan sida uu kusoo laaban lahaa Gaas oo uu sheegay inuu qabtay wax la taabkara.

Waxa uu Kheyre dhankiisa ka sheegay in Xukuumada Somalia iyo Guud ahaan dowlada Federaalka ay ka qeybqaadan doonto sida uu mar kale kusoo laaban lahaa maamulka uu wakhtiga kasii dhamaanayo ee Kheyre.

“Dowladu waxa ay ku khasban tahay inay taageero u noqoto cid waliba oo dhiseysa dalkeeda cidii fiican waxaanu ka garankarnaa dadkiisa iyo sida ay u taalo halka uu ka arimiyo”

Sidoo kale, Kheyre ayaa C/weli Gaas uga farxiyay inay ku garabsiinayaan sida uu mar kale kusoo laaban lahaa waxa uuna ballanqaaday in dowlada ay kaalin weyn ka qaadan doonto doorashada dhawaan ka dhici doonto Puntland.

C/weli Gaas ayaa horay u shaaciyay inuu yahay musharax mar kale u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee maamulka.

Ma cadda in dowlada Somalia ay ka dhabeyn doonto taageerida C/weli Gaas waxaana xusid mudan in Gaas bilahaani uu caqabad ku yahay Siyaasada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this