Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo soo xirtey wajiga 1aad diiwaangalinta dadka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowladda Puntland ayaa maanta soo xirtay wajigii koowaad ee barnaamijka diiwaan galinta dadka Puntland, kaasoo ah markii ugu horeysay oo Soomaaliya laga bilaabo tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Barnaamijkaan oo taageero dhaqaale ka helaya dowladda Talyaaniga ayaa lagu guulaystay in si rasmi ah looga fuliyo xaafadaha Halgan iyo kowda Augusta ee Garowe, iyadoo diiwaan galin loo sameeyay dadweynaha xaafadahaas ku dhaqan.

Raysal Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka qeyb galay xaflada xiritaanka barnaamijkaan, waxayna ammaan balaaran ujeediyay mashruucaan, iyagoo ku tilmaamay mid si aad ah loogu baahnaa xilligaan.

IMG_4462.jpg?resize=848%2C565Drs, Khadiijo Maxamed Cali oo madax ka ah mashruucan ayaa sheegtay barnaamijkaan in lagu ogaandoono tirada saxda ah ee dadka Puntland iyo qoysaska ku nool Puntland.

Waxaa kale oo ay tilmaamtey barnaamijkaan inuu muhiim u yahay Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya, si uu uga caawiyo doorashooyinka soo socda iyo ujeedooyin kale oo muhiim ah

Xoghayaha Dawladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Gurey ayaa usoo jeediyay xaafadda Magaalada Garoowe inay qaataan Barmaamijkaan maadama uu yahay wax ay bulshada Puntland leedahay ka maamul ahaanna wuxuu caddeeyay inay ka go’an tahay inay hirgalinta mashruucaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Buraale, ayaa isna sheegay, in aduunyad maanta uusan ka jirin, dal aan dadkiisu udiiwaan gashanayn, isagoo tusaale usoo qaatay xilligii dowladdii dhexe inay dadku wada diiwaangashanayeen.

IMG_4476.jpg?resize=800%2C533Raysal Wasaare Kheyre oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa ka codsaday madaxweyne Gaas hadddii barmaamijkaan laga fuliyo Puntland in loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho si wajiga labaad halkaas looga bilaabo.

Ugu dambayn, Wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Puntland, ayaa mahad celin balaaran usoo jeedisay tiimkii barnaamijkaan keenay Puntland, oo ay ugu horeyso Drs, Khadiijo Maxamed Cali oo ku guulaysatay mashruucaan in Puntland lagu bilaabo kadibna loo gudbiyo Soomaaliya inteeda kale.

IMG_4418.jpg?resize=800%2C533 IMG_4420.jpg?resize=800%2C533 IMG_4422.jpg?resize=800%2C533 IMG_4424.jpg?resize=800%2C533 IMG_4425.jpg?resize=800%2C533 IMG_4430.jpg?resize=800%2C533 IMG_4431.jpg?resize=800%2C533 IMG_4444.jpg?resize=800%2C533 IMG_4450.jpg?resize=800%2C533 IMG_4457.jpg?resize=800%2C533 IMG_4458.jpg?resize=800%2C533 IMG_4460.jpg?resize=800%2C533 IMG_4462.jpg?resize=800%2C533 IMG_4476.jpg?resize=800%2C533 IMG_4479.jpg?resize=800%2C533Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Garowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo soo xirtey wajiga 1aad diiwaangalinta dadka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this