Sign in to follow this  
Deeq A.

Laab furnaantii Farmaajo ay ONLF u muujyeen ma laga fahmi karaa qodobkan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogay dalka Eritrea saddexdii maalmood ee u dambeeyey ayaa fursad u helay in uu la kulmo madaxda Jabhadda ONLF oo ay Asmara ka mid tahay saldhigyadooda.

Ururkaas waxa uu ahaa mid utun iyo jarriimo ka tabanayey dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ee uu majaraha u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaa ugu wacaneyd dhiibistii Cabdikariin Shiekh Muse ‘Qalbidhagax’ oo ku dhawaad sanad kahor Itoobiya looga dhoofiyey Soomaaliya, ka hor inta aan lasoo dan bishii tagtey.

Kaaga sii daran’e xukumadda Soomaaliya ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Xassan Cali Kheyre waxa ay ONLF ku tilmaameen urur argagixiso.

Hayse ahaatee, 10 bilood kaddib, Itoobiya oo is bedel weyn oo dhinaca siyaasadda ah ka dhacay waxaa lagu soo daayey Qalbidhagax.

Dowladda sida uu sheegay Qalbigadhax oo Nairobi xaflad loogu qabtay ka hadlaya wax lug ah kuma lahayn soo deyntiisii walow safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho uu shir jaaa’id ku sheegay in dowladdu fududeysay ii deyntiisa.

Hadaba, maxaa keenay in madaxda ONLF si laab furan ula kulmaan Farmaajo?

Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo ONLF waxa uu ahaa mid soo jiitay dareenka umadda Soomaaliyeed iyaga oo iska weydiiyey su’aalo badan.

Su’aalahaas waxaa ugu muhiimsan muxuu Farmaajo u sheegi karaa ONLF, maxaase keenay waji furnaantii iyo soo dhaweyntii ka muuqatay madaxda ONLF, iyo hadalkii wanaagsanaa ee ay Farmaajo ka dhaheen kadib kulanka?

Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Farmaajo uusan waxba ka ogeyn dhiibistii Qalbidhagax oo ay ahayd dabin loo dhigay.

Haddii ay dhacdo in uu madaxda ONLF uu u sheego in dhiibistii Qalbidhagax ahayd SHIRQOOL loo dhigay, soo lama oran karo waa sababta ururkii ciilka iyo caloolyowga la baday ay niyad wanaagga ugu qaabileen Farmaajo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this