Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiis ku kala saxiixday magaalada Asmara+Warmurtiyeed+ SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   
eriteaheshis.jpg?resize=690%2C460

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya. Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada
shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya;

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta;

ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey
xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka;

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah,
iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

eritreaheshis1.jpg?resize=690%2C460

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1. Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna
leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.
Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2. Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan
lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3. Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4. Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo
horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this