Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo laga helaayo weeraro culus oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Weerarkan oo leysu adeegsaday hubka culus ayaa waxa ay maleeshiyada xalay ku qaaden Xarunta African Village ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xiliga weerar ayaa waxaa lasoo sheegayaa in xaruntaasi ay ku sugnaayen Saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada fedraalka Soomaaliya.

Afaafka hore ee xurunta ayaa muddo waxaa ku dagaalamayay dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo fadhiisimo ku leh irida hore ee xaruntaas.

Maleeshiyada ayaa dooneysay inay gudaha u galaan xarunta hase yeeshee waxa ay difaac adag kala kulmeen ciidamada dowlada ee halkaa ku sugnaa.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerar ay ku qaaden isla xalay fadhiisimo ay Ciidamo ka tirsan dowlada ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo hadda weeraradaas Al-shabaab xalay ku qaadeen xarumahaas khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay wallow warar hoose ay sheegayan in guud ahaan khasaaraha uu kor u dhaafayo todobo dhimasho ah, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo Shan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this