Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur iyo Fiqi ma ka raali-geliyeen Xasan Sheekh “No moe Abgaal”?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa marba mid kula kulmayo xubnihii kula tartamayey Musharnimada kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwii sida weyn usoo can bixiyey ololihii loogu magac daray “No More Abgaal”.

Xasan Shiikh ayaa kulamo is cafin ah wuxuu la kala qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyadoo uu kasii horeeyey midkii uu la yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Kulanka Xasan iyo Cabdiraxmaan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi..

37961284_1780355278722266_70251907538065

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.

“ Waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey. Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo. Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay”

Kulankii Fiqi iyo Xasan Shiikh

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiinti sida weyn uga soo horjeeday Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna qeyb ka ahaa qorshihii uu Farmaajo ugu guuleystay Doorashada Soomaaliya ayaa booqday gurisga uu Xasan Shiikh Maxamuud ka dagan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Hon Ahmed Fiqi  ayaa booqashadaas kadib boggiisa rasmiga ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo booqashadii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ugu tagay gurigiisa iyo haddii ay labada siyaasi heshiiyeen.

Fiqi ayaana bartiisa Facebook soo dhigay sawirka labadooda oo isla sawiran iyo hadalada hoos kaaga muuqdo

“ Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay”

fi-1.jpg

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha.

“No More Abgaal” iyo Shakhsiyaadkii waday:

Waxaa jirtay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku baaqayeen is beddel intii muddo ah, is beddelkaas oo la doonayey in lagu beddelo hoggaankii jiray waqtigaas ee Xasan Shiikh Maxamuud , balse intii ololaha lagu jiray ayaa waxaa soo baxay koox ku shiraakowday inay qabiileeyaan is beddelka oo billaabay inay faafiyaan hal ku dhig qabiil naceyb ah oo oranaya “no more Abgaal” ama “Abgaal dambe maya”.

Shakhsiyaadka howshaas horkacayey waxaa kamid ahaa:

Axmed Macallin Fiqi (Habar Gidir)

Abshir Bukhaari (Habar Gidir)

Cabdiraxmaan Caynte (Murusade)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Habargidir)

Xasan Macallin (Murusade)

Xuseen Macallin (Murusade)

Cabdullaahi Sanbaloolshe (Xawaadle)

Saabir Nuur Lugeey (Habar Gidir)

waxaa loo xilsaaray inay suuqa geliyaan “no more Abgaal”

Xasan malaga raali geliyey “No more Abgaal”?

Siyaasadda malahan saaxiib joogta ah balse waxay leedahay dan joogto ah, waa oraahda siyaasadda iyo siyaasiyiinta lagu qeexo.

Sidaa darteed “No more Abgaal”? waxay u muuqataa in laga soo gudbay isla markaasna hadda ay isku soo dhawaanayaan siyaasiyiintii ku loolami jiray maadaama Maanta la isku dan yahay.

Waxaa muuqato in Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Fiqi ay markaan Xasan Shiikh kasoo gashay dantooda maadaama ay dowladaan ka waayeen xilalkii ay filayeen.

Labadaan siyaasi ayaa Shalay Xasan Shiikh uga hiiliyeen No More Abgal, maantana isaga ayaa lala heshiiyey taasna waa qeyb kamid ah siyaasadda oo danley iska ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this