Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo si yaab leh u dhigay mideynta booliiska iyo nabad-sugida Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu soo baxay amar lagu mideynaayo Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somalia ee gobolka Banaadir ayaa waxaa arrintaasi dhaliilo kala duwan ka muujiyay Siyaasiyiin iyo dad shacab ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan dowlada ayaa sheegay in tilaabadaan mideynta ah ay dhabar jab iyo Sharaf dhac ku tahay taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu tilmaamay in tilabadaan ay ka hor imaanayso dhismihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uuna carab ***** in labada ciidan aysan iskumid ka aheyn dhanka tababarka.

Nuqul kamid ah haddalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ahaa “Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka, gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah”.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas dabagal ku sameeyaan” ayuu Yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu diray baaqaan”Waxaan kaloo ugu baaqayaa Taliska Ciidanka Booliska in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu sheegay in ciidamada Nabadsugida Somalia ay ku fashilmeen howlaha amni ee Gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in indha adeegooda ay ku bahdili karaan Booliska.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in Saraakiisha taliska Booliska ay aqbalaan qorshaha loogu daray ciidamada Nabadsugida oo uu sheegay inay keeni karto dhibaatooyin aan iminka muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this