Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradda sidda Wefdiga ra’iisul wasaaraha oo hadda Garoowe soo caga-dhigatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda sidday wefdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa haatan soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Maxamed Abshir Hamaan.

Mas’uuliyiinta dowladda,siyaasiyiin,waxgarad,ganacsato iyo dadweyne aad u fara badan oo garoonka diyaaradaha ku sugayay ra’iisul wasaare Khayre iyo wefdigiisa ayaa haatan ra’iisul wasaaaruhu salaam la dhex qaadayaa gudaha garoonka caalamiga ah ee Maxamed Abshir Hamaan.

Wefdiga ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhow loo soo gelbinaya dhinaca magaalada waxaana maanta Garoowe buuxiyay dadweyne ku lebisan calamada Puntland iyo Soomaaliya oo wata boorar lagu xardhay sawirka ra’iisul wasaare Khayre.

Amniga magaalada oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa sugaya ciidamada kala duwan ee Puntland oo ay u horreeyaan Booliiska,iyadoo uu yar yahay socodka gaadiidka shacabka,islamarkaana wadooyinka qaar ay xiran yihiin.

Faahfaahinta goor dhow kala soco Puntlandpost

The post Diyaaradda sidda Wefdiga ra’iisul wasaaraha oo hadda Garoowe soo caga-dhigatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this