Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayey Xildhibanada Damul-Jadiid u arkan xiriirka cusub ee Somalia & Eriterea?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqasho seddex cisho ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaaday xubno ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid ee horay usoo maamulay dalka.

Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo mar soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Somalia kana tirsan garabka Damul-Jadiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay socdaalka iyo xiriirka uu Farmaajo la sameynayo Eriteria.

Cali Balcad, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab xiligaan ay dowlada Somalia xiriir ula sameyso dalka Eriteria, waxa uuna tilmaamay in Eriteria ay dhibaato ku heyso dalka Jabouti.

Cali Balcad, waxa uu sheegay in xiligaan loo baahan yahay in laga fiirsado cida ay dowlada Somalia la sameyneyso xiriirka, waxa uuna cadeeyay in isbedelada ka jira Gobolka uusan faa’iido ugu jirin Somalia.

Cali Balcad waxa uu sheegay in sababta uu uga hor imaanayo xiriirka cusub ee labada dal ay tahay mid ku saleysan laba arrin oo kala ah in Eriteria ay dhul balaarsi ku heyso dalka Jabouti oo uu tilmaamay inay walaalo dhow la yihiin Somalia iyo in Eriteria ay wado dabino ka dhan ah Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Balcad, waxa uu sheegay in dowladii hore ay iska fogeyn jirtay arrimaha ceynkaani ah, sidaa aawgeed ay dowlada hadda jirta ku degdegtay xiriirka Eriteria.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in latashiyo uu la sameeyo Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele, si aanu u xumaan calaaqada Somalia iyo Jabouti.

Haddalka Cali Balcad, ayaa imaanaya xili dowladii hore ee Damul-Jadiid ay aad uga soo horjeeday la dhaqanka dowlada Eriteria, iyadoo sababta lagu sheegay in maamulkii hore ee Damul-Jadiid ay ka shidaal qaadan jirtay Ethiopia oo aan xiligaa xiriir kala dhexeen Eriteria.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this