Deeq A. Posted July 29, 2018 Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray,kadib markii uu qarxay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen,sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu marayay agagaarka xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliya ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafada loo yaqaanno Galmudug. Goobjogayaal ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid gaariga lagu xiray oo u muuqday in meel fog laga hagayo. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay,waxaana halkaas haatan ka socda baaritaan ku saabsan xogta qaraxan iyo sida uu dhacay. Maalmahan dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo mas’uuliyiinta dowlada iyo shacabkaba. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites