Deeq A. Posted July 29, 2018 Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) uu shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteeriya,halkaaso uu ku joogo booqasho rasmi ah oo mudda saddex maalmood ah qaadanaysa,ayaa waxaa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka labada waddan halkaas kula leeyahay madaxda ugu sarraysa dalka Ereteeriya. Kulamada uu madaxweyne Farmaajo la qaadanayo dhigiisa waddanka Ereteeriya Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda Asmara ayaa salka ku haya sidii xiriir wanaagsan ay Soomaaliya ula yeelan lahayd dalkaasi Ereteeriya oo tan iyo intii waddan madax-bannaan loo aqoonsaday aan xiriir fiican la lahayn Soomaaliya. Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo shalay kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika,sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Sidoo kale Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood,sida lagu daabacay SONNA. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay mid xiriir fiican ay ku samaysan karaa labada waddan oo in mudda ah aan wax xiriir ah ka dhexayn,iyadoo Ereteriya lagu eedayn jiray in ay taageerto ururada argagixisada ah ee Soomaaliya ka dagaallama. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Ereteriya oo safaarado is-dhaafsanaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites