Deeq A. Posted July 29, 2018 Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay Al-Shabaab ku hayaan dalkiisa. Uhuru Kenyatta oo Madaxtooyada kula kulmaayay Saraakiil cadaan iyo kuwo kasoo jeeda dalkiisa ayaa sheegay inay dhif tahay Gobol aysan ku sugneyn Shabaabka Somalia. Gobolada qaar ayuu sheegay inay ku yaalan Xerooyin ay si caadi ah u dagan yihiin maleeshiyaadka, waxa uuna dalbaday in lagala shaqeeyo sida loo soo afmeeri lahaa Al-Shabaab. Uhuru Kenyatta, waxa uu saraakiisha u sheegay inay muhiim tahay in laga hortago dhibta guracan oo ay ku hayaan shacabka Kenyanka, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolada dalka. “Wey adkaaneysaa xaalada amni ee Gobolada dalkeena waa inaanu la imaana ka hortaga Al-Shabaab, waad la soctaan dhacdooyinka is xigxiga ee kadhacaaya Gobolada” Uhuru Kenyatta, waxa uu saraakiisha amaanka ee qeybta ka ahaa kulanka faray inay qaadan duulaan lagu baacsanaayo Shabaab ka hor inta aysan soo qaadin. Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa saraakiisha cadaanka ah ee qeybta ka ahaa kulanka ka dalbaday inay kala shaqeeyan amniga ka hor intaanu Al-Shabaab kusii baahin dalka ayuu ku yiri. Dhinaca kale, Uhuru Kenyatta ayaa aad u amaanay sida shacabka Kenyanka ula shaqeeyan Hay’adaha amaanka si looga gaashanto weerar kaga imaada Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites