Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-beddelo amni oo weyn oo caawa Muqdisho ka dhacay, ciidamadii nabad-sugidda oo la baabi’iyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-beddelo amni oo waa weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo maalmihii dhowaa dowladda ay ka wadday qorshooyin amni oo cusub, kadib fashilkii ku yimid qorsheyaashii hore.

Xog goordhow ay heshauy Caasimada Online ayaa sheegeysa in is-beddelada dhacay ay ka mid yihiin in gebi ahaanba la baabi’iyay taliskii ciidanka Nabad-sugida gobolka Banaadir oo ahaa ciidan muuqday.

Nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa hadda kadib noqon doonta kaliya kuwa dharcad ah, oo aan muuqan, kana shaqeeya arrimaha sirdoonka, halka markii hore ay ka ahaayeen ciidamo hubeysan oo wata baabuurta dagaalka iyo qoryo.

Ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa si aad ah ugu xirnaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo dhow ahaayeen ninkii madaxda ka ahaa ciidankaasi ee Saadaq John.

Saadaq John, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, isagoo laga soo wareejiyay Taliskii uu madaxda u ahaa ee Nabad-sugida Gobolka Banaadir, maadaama la baabi’iyay.

Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Maalin ayaa loo magacaabay iosna inuu noqdo Taliyaha Taraafikada Gobolka Banaadir.

Dhowaan ayaa sidoo kale ciidamadii xaslinta ee uu sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga wareejiyey maamulka amniga Muqdisho ayada oo lagu beddelay ciidamo milatari ah, gaar ahaan qeybta 14-ka October. Tallaabadaas ayaa waxaa amray madaxweyne Farmaajo.

Xog dheeri ah oo arrintan ku saabsan naga filo dhowaan, insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this