Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran ka dhashay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Natiijada.jpg?resize=660%2C495Agaasimaha fulinta Dalladda SAFE Abu-xuseen

Dalladaha waxbarashada ahliga ee SAFE oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 300 iskuul ayaa sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday imtixaankii shahaadiga ahaa ay qaadday wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha fulinta dalladda waxbarashada SAFE, Kayse Mayoow Abu-xuseen ayaa shir jaraa’id oo uu arrintaas uga hadlay ku sheegay in wasaaradda waxbarashada dalku aysan si caddaalad ah u sixin imtixaanka,islamarkaana aan wax door ah laga siin dalladood,habka loo saxayo imtixaanka iyo nidaamka la maray midna.

Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaa uu yiri Agaasimaha “Ardeyda imtixaankooda la saxay cida mas’uuka ka ah waa anaga, mar hadii doorkeenna ay diideen Dhibaatada iyo Cadaaladdarada ardayda soo gaartay waxay noqonaysaa mid ku talagal ah”,ayuu yiri Kayse Mayoow Abu-xuseen

Agaasimaya ayaa sidoo kale sheegay in imtixaanka ay wasaaraddu qaadday la siyaasadeeyay oo mudgi la geliyay mustaqbalka arday badan oo Soomaaliyeed ,sida uu hadalka u dhigay” “Haddii aan nahay Hay’adda Waxbarashada SAFE  waxaan u sheegeynaa Bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siyaasadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkoodana mugdi la galiyey” ayuu raaciyay Abu-xuseen.

Wuxuu intaas ku daray in 5 kun oo arday Soomaaliyeed ah ay wasaaraddu ku ridday imtixaanka,taasoo uu ku tilmaamay wax aan la qaadan Karin,sidaas darteedna dalladoodu aysan gebi ahaanba aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday imtixaankaas.

Imtixaankan muranku ka dhashay ee sannadkaan ay qaadday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa u fariistay arday tiradooda lagu sheegay 25 kun,waxaana natiijada la shaaciyay ku gudbay 20 kun oo arday,halka 5 kun oo kalena ay ku dhaceen,taasoo muran iyo buuq ka dhex abuurtay,dalladaha waxbarashada ahliga ah ee dalka iyo wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan 

 

The post Muran ka dhashay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this