Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wefdi ka socda IGAD iyo UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wedti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Madaxweyne Gaas Puntland kulanka uu la qaatay wefdiga  IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada dowladda Puntland.

kulankan ay yeesheen Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wefdiga ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee gobolka,

Madaxweynaha dowladda Puntland   ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buxda kuna dhisan sinaan iyo caddaalad, iyo sidii soomaaliya xaaladeeda guud ee amni wax badan looga badeli lahaa.

Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga, ayaa dowaladda Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay nabada, xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara dhibaatadii dheereed ee ay soo martay Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beesha caalamka uga mahad celiyey dowrka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arimaha soomaaliya gaar ahaaan amniga iyo siyaasada, sidoo kalena kulaa dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabada

Halkaan ka eeg sawirada kulanka

Wefdiga.jpg?resize=960%2C562 455.jpg?resize=640%2C398 3344.jpg?resize=640%2C413 1122.jpg?resize=640%2C396

PUNTLAND POST

 

The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wefdi ka socda IGAD iyo UNSOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this