Sign in to follow this  
Deeq A.

10 waxyaabood oo aad u baahan tahay inaad Eritrea iyo Soomaaliya ka ogaato

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar qaadan doona saddex maalmood ku tagey dalka Eritrea, oo muddo lagu eedeyn jiray inuu taageero kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Haddaba maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato labadan dal?

1 – Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka sida xooggan u taageeray jabhaddii EPLF ee u dagaalantay xoriyaddii ay Eritrea ka qaadatay dalka Ethiopia, oo markii hore ay ka tirsaneyd.

2 – Eritrea waxa ay xoriyad ka qaadatay dalka Ethiopia bishii April ee 1993-kii.

3 – Eritrea waxa ay dalkeeda kusoo dhoweysay qaxooti Soomaaliyeed oo ay ku jiraan wasiiro iyo saraakiil sare, wixii ka dambeeyey burburkii dowladda Soomaaliya ee 1991-kii.

4 – Waxaa jira waqti dalalka Eritrea, Sudan iyo Libya ay ahaayeen dalalka kaliya ee wakiilo diblomaasiyeed ku leh magaalada Muqdisho sanadihii sagaashamaadka.

5 – Eritrea waxay si buuxda u taageertay golihii midowga maxkamadaha Islaamiga ee sanaddii 2006 qabsaday koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale sanaddii 2007, waxaa magaalada Asmara lagu aas-aasay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

6 – Eritrea waxaa lagu eedeeyey inay tagaeerto kooxda Al-Shabaab, eedyemhaasi oo ay si xooggan u beenisay.

7 –  Eritrea waxaa muddo fog loo ciqaabayey oo ay cunaqabateyn u saarneyd Soomaaliya darteed, iyo eedeeymo ku saabsan inay dhibaato ka dhex waddo Soomaaliya.

8 – Eritrea waxa ay si xooggan uga soo horjeesatay faragelintii ay Ethiopia ku sameysay dalka Soomaaliya, markii ay ciidamadeeda dagaalka la galeen maxaakiimta Islaamiga ah, 2006.

9 – Eritrea, Soomaaliya iyo Libya waa saddexda dal ee kaliya ee Afrikaanka ah ee Talyaaniga uu gumeystay.

10 – Waxaa muuqata in xiisaddii ka dhex oogneyd Eritrea iyo Soomaaliya ay sababteeda ahayd kaliya dagaalka Eritrea iyo Ethiopia, haddii dagaalkaas uu dhamaadayna ay heshiiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this