Deeq A. Posted July 28, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay horjeegeyaal ka tirsanaa Kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno (Dr,raage) ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin. Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria, isagoo ugu dambeyn ku biiray kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish ayuu go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale. Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;- Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale. Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay (Dr,raage) ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha. Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah. Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in aysan wakiiladooda diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan. Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan. Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona lahayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted July 29, 2018 Xog yaab leh?!! Xog yaab leh dadkii soo qabtay baa haya. Haday misaan leeyihiin meelo aan soomaali aqoon yaa lala aadi lahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites