Sign in to follow this  
Deeq A.

Booqashada FARMAAJO ee dalka Eritrea oo dhalisay laba dareen oo kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay ayey ahayd markii uu wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel bartiisa Twitter-ka uu ku shaaciyey in maanta uu madaxeye Maxamed Abdullaahi Farmaajo booqasho saddex maalin ah uga bilaabaneys magaalada Asmara, xarunta Eritrea.

Warkaas durbadiiba waxa uu noqday mid laba dareen oo isku cagsi ah ay shacabka Soomaaliyeed iyo indheer garadkooda ku reebay.

Eritrea oo 1991-kii ka go’day Itoobiya waa wadan saaxiibtinimo dhaw la lahaa Soomaaliya abaal weynna uga hayey sidii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ugu taageertay gobonimo u dirikoodii.

Taas bedelkeeda, waxaa lagu eedeeyey in ay xasillooni darro ka waday gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya taas oo lagu saaray cunaqabteyn dhinaca hubka ah!

Waxa ay dad badani taas u arkeyn cadaaladdarro maadaama Itoobiya oo dhibaato badan ka geysatay Soomaaliya aan iyadana lagu ciqaabin.

Ma jirin hoggaamiye Soomaaliyeed oo ku dhiiran karay in uu caadigka dhigo xiriirka diblomaasiyadeed ee Eritrea iyada oo loo aaneyn karay cabsi ay ka qabeen Itoobiya!

Hadaba dareen noocee ah ayuu ku abuuray shacabka Soomaaliyeed booqashada madaxweyne Farmaajo ee Eritrea?

DAREENKA KOWAAD

Durba markii shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda foggaan aragga ah wey ku farxeen in Eritrea uu madaxweyaha booqdo, dib u soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee sida fulaynimada ah loogu jaray.

Eritrea waxa ay hormuud u ahayd taageeridii ay helayeen dhaq dhaqaaqyaddii muqaawamada ahaa ee la dagaalamay Itoobiya markii ay soo galeen dalka dabayaaqadii 2006.

DAREENKA LABAAD

Waxa ay damaqday boog aan wali laga bogsan!

Tan iyo bur burkii ku yimi dowladii dhexe ee Soomaaliya bilowgii sagaashameedyadii waxaa diblomaasiyadda Soomaaliya jaangoyn jirtay Itoobiya, hase ahaatee, doorashaddii madaxweyne Farmaajo kaddib, shacabku waxa ay filayeen in taasi wax iska bedeli doonaan, ma dhacday?

Jawaabta su’aashii waa maya, maadama booqashadiisa Eritrea iyo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Eritrea ay timi kaddib markii ay Itoobiya la heshiisay! Taas damaqday boogtii shacabka ee aan wali boogsan! Maxaa isuku soo beegay weedha iyo hasha naaso adag!?

Si kastaba, tani waa cashar ay Soomaaliya ka baran karto inaysan mar dambe Eritrea ama dal kale xiriirka ugu jarto Ethiopia darteed.

Waxaa iyana jirta dood ah dowladnimada Soomaaliya waa curdun oo kuma dhiiran karin in ay soo celiso dilomaasiyaddii Eritrea iyada oo ay is hayaan Itoobiya, iyo taageeridda Al Shabaab darteed, doodda dambe waa laga heshiin karaa laakiin ma aha mar marsiiyo in diblomaasiyadaadda ku xirnaanto dal kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this