Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kheyre oo ku madax adeegaya sameynta hal arrin oo uu diidan yahay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalad Muqdisho ee caasimada Somalia laga qaaday dhamaan baraha koontarool ee ciidamada Xasilinta ayaa waxaa soo baxaaya inay socdan dadaalo lagu doonayo in dib ciidamada loogu soo celsho baraha.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo markii hore watay qorshaha ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa iminka dib u bilaabay dadaalka lagu soo celin lahaa ciidamada.

Ra’isul wasaare Kheyre oo arrintaan dhowr mar ay kawada hadleen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Isfahan laga gaaray dib usoo celinta ciidamada xasilinta.

Kheyre ayaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ku qancinaayo in ciidamada Militeriga loo madaxbaneeyo howlaga Gobolada iyo daafaha magaalada Muqdisho, maadaama ciidamadu aysan shaqo ku laheyn amniga caasimada.

Waxa uu Kheyre arrintaani u kaashanayaa mas’uuliyiin kale, waxaana xusid mudan in go’aanka amniga Muqdisho loogu wareejiyay ciidamada Militeriga ay ka taagan tahay dhaliil xoogan.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fiirsanaaya dib uga laabashada go’aanka uu amniga Muqdisho uga wareejiyay ciidamada xasilinta oo aasaaskooda shaki badan laga muujiyay.

Dhinaca kale, ciidamada ugu badan ee dilalka bareerka ah ka geysta magaalada Muqdisho ayaa leysku raacay inay yihiin kuwa Militeriga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this