Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Calanka Somalia oo ka babanaya wadooyinka magaalada Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdiaho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Madaxweyne ayaa magaalada Asmara ku qaadan doona booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku casuumay dalkiisa, iyadoo booqashada qeyb ka tahay is bedelada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ka bilowday.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagay Eritrea, tan iyo markii uu dalkaas xornimada qaatay sanadkii 1993-dii.

Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa tobankii sano ee u dambeeyay, iyadoo Eritrea lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha ka soo horjeeda dowladda, gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab.

Inta badan waddooyinka magaalada Asmara ayaa waxaa lagu hardhay calanka Somalia oo aan dalkaasi laga surin muddo badan

Eritrea waxaa ay aheyd halkii lagu aas aasay sanadkii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka kula jiray Ciidamadii Itoobiya.

calanka-som-eri.jpg

calanka-som-1068x801.jpg

calanka-som-eri1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this