Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo soo saaray amar lagu caburinaayo ciidamada AMISOM + Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre ayaa amar ku bixiyay in ciidamada AMISOM laga saaro Istadium Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada AMISOM ay faarujiyaan Garoonka waxa uuna sheegay in xili hore ay ku wargaliyeen ka bixitaanka Garoonka.

Kheyre waxa uu Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye amar ku siiyay in Ciidamada AMISOM si deg deg ah looga raro Garoonka si dib u dhis loogu sameeyo.

“AMISOM waan sii wargalinay waa inay ka baxaan garoonka si ay ugu nacfiyaan shacabka waayo waxaa sii kordheysa baahida loo qabo Garoonka maaha dhufeys”

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyey in ay muhiim tahay in AMSIOM laga saaro Garoonka si dhalinyarada Soomaaliyeed ugu ciyaaraan Kubbada Cagta maadaama uu socdo is dhexgal.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan sheegay xili uu ka hadlaayay munaasabad lagu furayey Barnaamijka Bandhigga Baahida Ciyaaraha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this