Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga faa’iidi karaa dib usoo noolaanshiyaha xiriirka Eritrea iyo Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimad Online) – Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Asmara ee dalka Erateria u kictamo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweynaha Erateria Isaisa Afwerki ayaa casuumada u sameeyay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo ujeedka casuumaadu tahay sida lagu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo sanado badan ahaa mid mugdi galay.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo magaalada Asmara ee dalka Erateria ayaa la rumeysan yahay inay irdaha u fureyso wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dal, waxaana xusid mudan in caasimadaha labada dal ay ku kala noolyihiin Qowmiyado badan oo aanu kawarqabin labada dal.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara oo noqoneysaa tii ugu horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku taga dalkaasi ayaa faraj u noqoneysa in labada dal ay iska cawiyaan arrimaha Argagixisada, Ganacsiga, Amniga, Siyaasada, Safarada, Dhaqaalaha iyo la socodka xaaladaha Qowmiyadaha ku kala nool Asmara iyo Muqdisho.

Xiriirka soo cusboonaanaya ee labada dal ayaa sidoo kale meesha ka saaraya tuhunkii ahaa in Dowlada Erateria ay garabsiiso argagixisada Somalia ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa kaalin weyn ka qaadanaya isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Erateria oo isku haya waxyaabo aan sidaa usii buurneyn.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta ka faaloota arrimaha Gobolka ayaa qaba in xiriirka labada dal uu soo laabanaayo xili munaasib ah, maadaama dal waliba uu doonaayo inuu la dhaqmo dalka kale.

Caasimad Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this