Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed MADOOBE oo mar kale dowladda SOMALIA ku qaaday weerar culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimad Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayaan deegaanada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer uu ku celcelshay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay wax ka qabato awoodaha ay Shabaab ku yeelaneyso Jubbooyinka, hase yeeshee aanu u muuqan dadaalka dowlada.

Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin Jubbooyinka isla markaana ay doonayaan in awoodooda kusii faafiyaan deegaada muhiimka ah.

“Dhowr jeer arrintaan waxaanu gaarsiinay dowlada Somalia ma noo muuqato dadaalo ay kula dagaalameyso Shabaabka oo aan la socno inay kusii xoogeysanayaan deegaanada”

“Awoodahooda waxa uu gaaray inay qaadan weeraro joogta ah taasi waxaa u sabab ah inaanu jirin dhaqdhaqaaq ay dowlada Somalia kawado goobaha ay gacanta ku hayaan Shabaabka”

Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay in wixii ka baxsan magaalada Muqdisho aysan moodin inay ka tirsan tahay Somalia, taasina ay ugu wacantahay inay ka jiifato amni ka dhalinta deegaanada ku jira gacanta Shabaabka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay halis ugu jiraan in deegaanada ay hadda ka arimiso Jubbaland ay gacanta u gasho Al-Shabaab, waxa uuna ku baaqay in leyska kaashto ciribtirkooda.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayuu ku eedeeyay inay luminayaan heshiiskii ahaa in si wada jira loola dagaalamo Al-Shabaab oo si caadi ah uga buuxa deegaanada maamulka.

Geesta kale, waxa uu ka digay in Jubbaland lagu fiirsado duulaanka Al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu ka jiifan doonin ciribtirka Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this