Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhashay wareegto uu soo saaray Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaada ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu mas’uul xil hayay ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegaya inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay).

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Jaamac Xayle Hogaamiye ku xigeenka uu warqad kasoo qoray Magaalada Muqdisho in ay soo gaartay laguna sheegay in xilka looga qaaday, taasina aysan sharci aheyn.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay gaareen ay arintaasi kasoo horjeedo ayna tahay Sharci daro.

Dhinaca kale, Hogaamiye ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay), ayaa bilihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa howlaha maamulka Galmudug, waxaana uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this