Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjooge sare oo Shabaab ahaa iyo ciidankiisa oo lagu dilay weerar qorsheysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ay ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow.

Weerarka ayaa ahaa mid qorsheysan oo muddo laga shaqeynayey, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amnina ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA da u sheegay, in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macallin Deerow.

“Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan maleeshiyadii la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Macallin Deerow ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Waajid iyo deegaanada ku dhow, halkaasi oo la sheegay inuu dad badan ku dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/35e40b08-2f73-423b-b3ec-406752512067_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this