Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo berri tegaya dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Eritrea, sida ay goordhow ku dhawaaqday dowladda dalkaas.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa qoraal goordhow uu soo dhigay barta twitter-ka ku shaaciyey booqashadan, oo uu sheegay inay ku timid casuumad uu madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki u fidiyey Farmaajo.

“Madaxweyne Afwerki casuumad uu u fidiyey darteed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho saddex maalmood qaadan doonta waxa uu ku tagayaa Eritrea. Waftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay beri subax kasoo degaan Asmara”

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyey booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu berri ku tagayo dalka Eritrea.

Farmaajo ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee booqda Eritrea, oo marar badan lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, inkasta oo eedeymahaas u muuqdeen kuwa ay hindistay Ethiopia.

Booqashadan ayaa imaneysa ayada oo Caasimada Online ay noqotay warbaahintii ugu horreysay ee horey u shaacisay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu dhexdhexaadin ka dhex waday Soomaaliya iyo Eritrea. Halkan ka aqri warkii aan arrintaas ka qornay 21-kii July..

Dalka Somalia ayaa waxaa ku nool Qowmiyad kasoo jeeda dalka Erateria kuwaa oo kor u dhaafaya 800 oo qoys, halka dalka Erateria ay ku noolyihiin muwaadiniin badan oo u dhashay Somalia.

Geesta kale, Booqashada Farmaajo ee magaalada Asmara ayaa faraj u fureysa Qowmiyadaha labada dal, waxaana xusid mudan in xiriirka labada dal uu noqonaayo mid soo laabta sanado badan kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this