Sign in to follow this  
Deeq A.

Murankii Xajka oo xal laga gaaray iyo Xujeeyda Soomaalida oo Baxaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray murankii dhanka xajka ahaa ee u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Xukuumada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane; C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xal laga gaaray murankii Xajka.

Wasiir Ashkir ayaa sheegay in fududeeynta arintaaasi ay kaalin ka qaateen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha.

Wasiirka ayaa sheegay in la kordhiyay sanadkaan diyaaradaha Xujeeyda ee aada Xajdka islamarkaasina laga dhigay 5-Diyaaradood.

Waxaa ugu baaqay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee leh diyaaradaha ay fuliyaan amarka Xukuumada Soomaaliya.

“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo,  kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan”

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Wasaarada Xajka ee Sucuudiga ay si fiican u la shaqeeysay islamarkaasina ay u mahad cilinayaan.

“wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan,  laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir

Muran laga cabsi qabay in sanadkaan ay baaqdaan Xujeeyda Soomaaliyeed ayaa taagnaa baryihii la soo dhaafay inkastoo hadda wasaarada ay sheegtay in la xiliyay arintaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Murankii Xajka oo xal laga gaaray iyo Xujeeyda Soomaalida oo Baxaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this