Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqashadii ugu horeeysay Ku Tagaya Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqashadii ugu horeeysay bari ku tagay Magaalada Asmara ee caasimada dalka Erateria.

Booqashadaan Madaxweyne Farmaajo uu ku Tagaya Asmara ayaa waxaa xaqiijisay dowlada wadankaasi Erateria.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlasa Erateria Yemane Meskel  ayaa ku xaqiijiyay Bartiisa Twitterka in Madaxweyne Farmaajo uu Bari ka dagayo Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki isaga oo la qaadan doono kulan saacado qaata.

Booqashadaan haddii Madaxweyne Farmaajo uu bari ku tago Asmara ayaa noqoneeysa booqashadii ugu horeeysay uu ku tago dalkaasi.

Booqashadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili Dhowaan heshiis taariiqi ah uu dhexmaray Itoobiya iyo Eriterea.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqashadii ugu horeeysay Ku Tagaya Asmara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this