Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan hore oo lagu khaarijiyay MUQDISHO & Moobilkiisa oo horay loo sii qatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay magaalad Muqdisho ku toogteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray.

Dilka Xildhibaankan hore oo la sheegay inuu ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir,ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo watay buugaag.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in maleeshiyada dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Malaeeshiyada ayaa dilka kadib sidoo kale marxuumka ka qaatay Moobil uu xiligaa ku hayay gacanta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Geesta kale, magaalada Muqdisho keliya maanta waxaa lagu dilay dad tiro ahaan gaaraya 18 qof waxaana xusid mudan in ragga dilalka geystay ay dhamaantooda baxsadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this