Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xaqiijisay wareysigii maxaabiista Puntland ee ku xiran Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Cali Xasan Cawil oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay inay qaar ka mid ah warbaahinta la hadleen maxaabiistii Somaliland ay ku qabatey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo uu sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha ay usoo jeediyeen maamulka Hargeysa iyo dhibaato loogu geysto xabsigaas.

Taliye Cali Xasan wuxuu sheegay saaka ku booqdeen xabsiga Hargeysa isaga iyo qaar ka mid ah eheladda maxaabiistaas, Islamarkaana ay su,aaleen sababta ku kaliftey warbaahinta inay u gudbiyaan xog aan sax ahayn,Isagoona ku sifeeyay eedeymaha maxaabiistu usoo jeedisay kuwo ujeedadoodu tahay sidii loogu ogolaan lahaa maandooriyaha la yiraahdo qaadka oo uu sheegay mamnuuc inuu ka yahay xabsiyadda Somaliland.

Maalin ka hor Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baahisay wareysi ku saabsan xaaladda maxaabiista kasoo jeeda Puntland ee ku xiran xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa ka dib markey xiriir telefonka lasoo sameeyeen qaar ka mid ah maxaabiistaasi Wariye Abshir Dhiirrane oo ah tafatiraha warbaahinta PUNTTLAND POST. Riix halkaan wareysigii maxaabiista.

Maxaabiista ayaa wareysigoodii ku sheegay inay ku haysato xabsiga Hargeysa xaalad ka baxsan hab dhaqanka maxaabiista iyo bini,aadamtinimada ka dib markey ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland inay si joogto ah ugula kacaan falal isugu jira Jirdil,Handadaad,Daryeel xumo caafimaad,Cunto la,aan iyo Dhibaatooyin kale.

Isku soo wada duuboo hadalka maanta kasoo yeeray Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu xaqiijinaya cabashadii ka timid maxaabiista Puntland looga qabtey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo 12 ka mid ah iminka lagu hayo xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa.

Abshir Dhiirrane

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo xaqiijisay wareysigii maxaabiista Puntland ee ku xiran Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this