Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Somalia oo magacaabay SAFIIRO cusub (Aqriso magacyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) Golaha wasiirada ayaa  magacaabay illaa seddex safiir oo dowladda Somalii u matali doono qaar ka mid ah dalalka dunida.

Safiiradaan oo muddo badan la sugayey ayaa la magacaabay maanta inkastoo aysan gaarin intii la filayey maadaama ay banaan yihiin ilaa in ka badan toban safiir boosaskooda.

Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa.

Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan.

Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga qaaday.

Safiiradaan ayaa intooda badan halmar shaqo joojin lagu sameeyey waxayna qaadatay in booskooda in la buuxiyo waqti badan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib kala soco inshaa Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this