Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha qarsoon,shayga loo adeegsaday denbiga,goobta iyo goorta falku dhacay.

Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland khamiista maanta ah ee uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in dood dheer kadib la ansixiyay xeerkan oo ay soo diyaarisay hay’adda cilmiga denbiyada(The Bureau of Forensic Science).

Xeerkan la meel mariyay ayaa todobaadkii hore loo qeybiyay xubnaha Golaha wasiirada Puntland,waxaana lagu tilmaamay mid bulshada loogu adeegayo oo baahi weyn uu dalku u qabay,sida ku xusan qoraalka ay xukuumaddu soo saartay.

PUNTLAND POST

The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this