Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan DFS oo xili danbe hooygiisa kala baxay Agaasime Wasaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay saqdii dhexe ee xalay u boodeen Hooyga Agaasime ka tirsan Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS.

Ciidamadan oo la socday gaadiidka loo yaqaan Cabdi-Bilaha ayaa amar ka heystay Xukuumada Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in loo heysto kiis cusub.

Agaasimaha ay ciidamada kala baxeen Hooygiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaarada Gargaarka kaa oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur.

Ciidamadan ayaa lasoo bixida Agaasimaha kadib ula dhaqaaqay dhanka Xabsiga, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in loo heysto arrimo musuq-maasuq.

Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka Hooyga Agaasimaha halkaa ka qaatay Dokumiinti la sheegay inuu khuseeyay kiiska musuqa iyo Kumbiyuuter uu ku diyaarinaayay howlaha waaxdiisa.

Howlgalkan ayaa ka dhacay Hooyga Agaasimaha oo ku yaalla Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana iminka la la’yahay Xabsiga uu ku xiran yahay Agaasime Daahir Maxamed.

Kiiska xariga Agaasimaha ayaa salka ku haya inuu gacan bidixeeyay gargaar ay dowlada Somalia ugu tallo gashay dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale, waxaa loo heystaa Agaasimaha inuu isdabamariyay dhaqaale dhan $84,000 oo dollar-ka Mareykanka ah.

Docda kale, Kiiska lagu xiray agaasimaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin badan oo ku xirnaa ninkaani loo xiray musuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this