Sign in to follow this  
Deeq A.

Janaraal Canood oo lagu weerary agagaarka Warshadda Caanaha iyo faahfaahin ku saabsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa habeenkii xalay ahaa Salaadii Maqrib kadib  la weeraray Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Caanood, weerarlkaan ayaa ka dhacay warshadda caanaha ee degmadda Hodan.

Janaraal Canood ayaa watay Gaari nooga aan xabadaha kalin iyo gawaari kale oo ciidan. Gaarihii abaanduulaha ayaa waxa lagu hor jaray gaari kale oo ciidan halkaasna la isku rasaaseeyay.

Dhawacyadii illaaladiisa iyo isaga ayaa u baxsaday dhanka Villa Somalia.

Lama oga inta ku dhimatay ama ku dhawacantay weerarkaas.

Gaariga Rasaasta laga furay ayaa la sheegay inuu ahaa Nuuca ay soomaalida u taqaan qooqan oo ay saarnaayeen Ciidamo hubeysan oo aan ka la garaneyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Weerarkaas ayaa ka dhacay meel aan ka fogeeyn wasaaradda Gaashandhiga oo maalmahan danbe saldhig u ahayd Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa halkaas ku yaalo oo aan sidaas uga fogeyn xiradii ay Imaaraadka ku tababari jireen ciidamada oo ay dhawaan kala wareegtay dowladda Soomaaliya kadib khilaafkii imaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this